Dacwad u dhaxaysa Universal TV iyo Puntland oo ka furmatay Garowe

Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto Telefishinka Universal , waxaana goobjoog u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Ahan sii hayaha xilka Wasiirnimo ee Dowlada Puntland, Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland, Wariyayaal,Sharci yaqaano iyo Shaqaalaha Universal tv.

Dood dheer ka dib garsooraha maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa shaaciyay inuu dhaliyay kiiskan muran badan, sidaas darteedna dib la isugu soo laaban doono 14/03/2017 oo ah maalinta beri ah.

Warqad kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Puntland 5 bishaan ayaa albaabada la isugu laabay xafiisyada uu ku leeyahay magaalooyinka Puntland telefishinka Universal.

Daawo dooda maxkamada ee maanta

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST