Odoyaal ka horyimid Issim lagu caleemo saarey BOSASO

Shir ay isugu yimaadeen magaalada Bosaso waxgarad iyo salaadiin kazoo jeeda beesha Cali Xijiijle ayay kazoo saareen Bayaan ka dhan ah caleemo saarkii magaalada Bosaso loogu sameeyay 12/03/2017 Ugaas Muxuyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmed oo ay sheegeen inuusan heyb la wadaagin beeshooda.

Bayaanka waxgarad ku abtirsada mid ka mid ah beelaha Gobolka Bari waxa eedeyn loogu jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Halka lagu amaanay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Bosaso iyo masuuliyiin sarre oo ka tirsan Dowlada Puntland.

Xiriir telefonka ah oo ay warbaahinta PUNTLAND POST lasoo sameeyeen qaar ka mid ah Nabadoonada Beesha Cali Xijiijle waxay kusoo bandhigeen cabashadooda ka dhanka ah caleemo saarkii Ugaas Muxuyadiin Ugaas Xaaji Cabdi oo lagu qabtay hotel Gaceyte ee magaalada Bosaso.

Caaqil Ciise Jaamac iyo Nabadoon Mahad Axmed Galan oo labaduba wareysi kula hadlay PUNTLAND POST ayaa faahfaahinaya khilaafkan iyo wuxuu salka ku hayo.

Dhagayso Wareysiga Odoyaasha

Sidoo kale hoos ka akhri bayaanka beesha Cali Xijiijle.

PUNTLAND POST