DAAWO xal rasmiya oo laga gaarey gadoodkii ciidanka Puntland

Waxaa maanta xal rasmiya laga gaarey gadoodka ciidamo ka tirsan Dowlada Puntland oo maalmo ka hor qabsaday bar kastam oo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku leedahay magaalo madaxda Garowe kuwaas oo maanta dib ugu noqday xeryahoodii ka dib is afgarad dhex marey ciidanka, saraakiisha, maamulka Gobolka,Kan Degmada, Masuuliyiin ka tirsan gollaha Wasiirada iyo Odoyaasha dhaqanka.

Cutubyo ka tirsan ciidankan oo ka cabanaya mushahaar iyo xuquuq 7 bilood ah oo ka maqan ayaa todobaadkii horre kasoo baxay difaac ay kaga jireen magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xadka ay wadaagaan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa raali galin ka bixiyay talaabadii ay ku dhaqaaqeen ciidanku, wuxuuna sheegay inaysan ahayn mid ku timid go,aan ay la wadaageen saraakiisha ciidanku, balse ay jirtay tabasho yar oo xal laga gaari karay, Haddana ay ku dhamaatay si guul ah oo nabadgalyo leh.

Munaasabad ka qabsoontay Kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe oo ah goobtii afar maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada gadoodsan , waxaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland sida Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimada Puntland, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka.

Daawo.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay inaysan jirin dhibaato ay u geysteen ciidankaan mudadii koobnayd ee ay joogeen Kantaroolka Garowe,Islamarkaana aysan ku dhaqaaqin falal ka hor imaanaya Amniga ,Taasna ay muujinayso inaysan ahayn ciidan ujeedo ka duwan middii ay sheegteen u socda.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa uga digay qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada inay kala qeyb qeybiyaan ciidanka, wuxuuna sheegay inaysan anshaxa iyo asluubta waafaqsanayn waxyaabaha ay kusoo qorayaan dadka qaar baraha bulshada., Isagoona carabta ku adkeeyay inay leedahay ciidankani Dowlada Puntland.

Inta badan masuuliyiintii ka hadlay munaasabada ayaa si isku mid ah digniino ugu direy dadka qaar ay sheegeen inay si khaldan wax ugu soo qorayaan baraha bulshada, waxayna kula dardaarmeen in si buuxda looga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.