Puntland oo 6 Gaari ku Wareejisay Hay’adda Biyaha Ee Pasaweyn

Bosaso [Puntland Post] Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa hay’adda biyaha iyo tamarta Puntland ku wareejisay lix booyadood oo ay Puntland ku iibisay deeq lacageed oo dhammeyd boqol iyo konton kun oo doolar oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu tala gashay ka qeyb-galka abaaraha Puntland kajira

Lixdan booyadood ayaa qab ka noqon doona Gurmadka loo saman doono Dadka ay Abaartu samaysay ee  Waxana Lacagti Laga Bixiyay ugu Deeqday Puntland Dowlada Federalka Somaliya.

Wasiirka Wasarada Howlaha Guud Iyo Gadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi Ayaa Shegay In Gadiidkan Laga Soo Bixiyay Lacag Dhan 150 Kun Oo Dolar Oo Aheyd Deeq DFS Uga Timid. Isla markan iyaguna ay ugu badaleen Gadiid loogu Gurmanyo Dadka ay Abartu samaysay.

Gudoomiyaha hay’adda PASSAWEYN Maxamed Salaad oo gudoomay gaadiidka iyo wasiirka wasaaradda ariimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Xildhibaan Liibaan Cabdullaahi Hadleen ayaa soo dhaweeyeen qaabka wanaagsan ee dhaqaalaha ay dawladdu u maaraysay .

Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaasha Ayaa Gudomiyaha Basawayn Kula Dar Darmay Inay Ilaaliyaan Gadiidkan.

Gadiidkan Biyaha Lagu Dhamiyo Ayaa Waxaa Logu Gurmanaya Dadka Abaartu Sameysay Ee Puntland.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay Puntland yeelanayso gadiid u gaar ah gurmadka biyo dhaanka abaaraha .

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,BOOSASO