Odoyaasha Gobolka Nugaal oo digniin culus u direy ciidamo gadoodsan.

Shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garowe Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Nugaal ayay si adag uga hadleen xaalada amniga iyo ciidanka gadoodsan ee maalmo ka hor qabsadey bar kastam oo ku taala magaalada Garowe, Waxayna si adag Odoyaashu uga horyimaadeen talaabada ay ku dhaqaaqeen ciidanku xitaa haddii ay ka maqan tahay xuquuq.

Odoyaashan ayaa fariin adag warbaahinta u marsiiyay ciidamada gadoodsan, waxayna ku baaqeen in si wada jir ah looga horyimaado cid kasta oo khal khal galinaysa Amniga Caasimada iyo guud ahaan Puntland.

Odoyaashaan ayaa dadka uga digay inay kala soocaan ama qabiil lagu tilmaamo ciidanka, waxayna sheegeen in ciidamadu yihiin kuwo cid walba leh.

Hadalka Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe.

Dhagayso Odoyaasha Gobolka Nugaal.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.