Gaadiidka Puntland u iibisay gurmadka abaarta oo ku wajahan Gobolka Nugaal

Waxaa kusoo wajahan magaalada Garowe lix (6) gaari oo ay ku rakiban yihiin haamaha biyaha kuwaas oo ay Dowlada Puntland u iibisay gurmadka biyo dhaanka abaaraha ka jira dalka,Waxaana lagu wadaa shaqada ugu horeysa gadiidkan inay ka bilaabaan deegaanada miyiga iyo tuulooyin ka tirsan Gobolka Nugaal.

Xildhibaan Liibaan Cabdulaahi Cabdi oo xubin ka ah guddiga abaaraha Dowlada Puntland ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta PUNTLAND POST uga hadlay qorshaha baabuurtan iyo sida looga faa,iideysan doono, wuxuuna sheegay inay tahay hantidii ugu horeysay oo loogu tala-galay gurmadka abaaraha oo ay yeelanayso Dowlada Puntland.

Xildhibaan Liibaan ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo isticmaalay lacag 3,000 oo dollar ah oo isaga loo dhiibay, wuxuuna sheegay in gadiidka loogu iibiyay taayiro,shidaal, darawalada iyo Tasiilaad kale oo loo isticmaalayo hawlgalka ugu horeeya oo ka bilaabmaya Gobolka Nugaal.

Waxa uu sheegay Xildhibaanku inay noqonayso talaabada xigta  qorshahaan sidii uu u yeelan lahaa gobol kasta oo ka mid ah 9 gobol ee Puntland 10 gaari oo u gaar ah inay mar kasta ka qeyb qaataan gurmadka biyo dhaanka abaaraha ee sanadka soo noqnoqda.

Dhagayso Wareysiga Xildhibaan Liibaan.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay Puntland yeelanayso gadiid u gaar ah gurmadka biyo dhaanka abaaraha .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST