Ciidanka gadoodsan oo ka hadlay sababta ay u qabsadeen Kastamka Garowe

Gaadiid fara_badan ayaa ku xaniban koontaroolka dhanka Koonfureed ee magaalada Garoowe, ka dib markii ay xalay  la wareegeen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Puntland.

Cabdulaahi Ibraahim oo ka tirsan ciidanka gadoodsan oo galabta la hadlay laanta Afka Somaliga ee VOA_da ayaa ka warbixiyay sababta ay ula wareegeen Kantaroolka, Wuxuuna sheegay inay qabsadeen bar kastam oo dhakhli uga soo xeroonayay Wasaaradda Maaliyadda.

Askariga la hadlay Idaacadda ayaa intaas ku daray inaysan doonayn in la abuuro qalalaase Islamarkaana muddo badan u saburayeen in Xukuumaddu siiso mushahaarkooda.

Daawo Cabdulaahi Ibraahim

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.