Wasaarada Haweenka Puntland oo qoysas ku barakacay abaarta uga faa,iideysay xuska 8 maarso

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa uga faa,iideysay  sanadkaan  xuska maalinta haweenka ee 8 Maarso 150 qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta dalka ka dib markii ay u qaybisay raashinka noocyadiisa kala duwan.

Munaasabad kooban oo xuska 8 maarso ay ugu samaysay magaalada Garowe Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Masuuliyiinta Wasaarada Haween, Hay,addaha Caalamiga iyo Marti sharaf kale.

Xuska maalinta oo kusoo beegmatay sanadkaan xilli ay abaaro ba,an ka jiraan deegaanada Puntland ayay uga faa,iideeyeen Madaxda Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland deeq raashin ah oo la gaarsiiyay 150 qoys oo kusoo barakacay tuulada Buuro-wadal ee duleedka waqooyi magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ku daahfuray xuska maalinta haweenka ee 8 maarso Xafiiska taaba_galiyaha arrimaha jinsiga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST