Taliska guud ciidamada oo si kulul ugu jawaabay Xukuumadda Puntland

Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen xerada 54aad ee duleedka magaalada Garowe  saraakiisha ugu sareysa taliska ciidanka daraawiishta Puntland waxay si kulul uga jawaabeen hadal dhawaan kazoo yeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Puntland, Waxayna sheegeen in muddo ka badan 30 bilood oo mushahaar ah  ka maqan tahay qaar ka mid ah ciidamada.

Taliye kuxigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Dowlada Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, Taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo si wada jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa si adag uga horyimid war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland oo lagu sheegay inaanu jirin xuquuq iyo mushahaar ka maqan ciidanka.

General Dayr ayaa ka dalbaday Baarlamanka , Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka, iyo Gollaha Garsoorka inay soo kala saaraan Xukuumadda oo uu sheegay inay ku fashilantay bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidanka,Isagoona hoosta ka xariiqay inay tahay mudadii ugu dheereyd oo aanu helin ciidanku xuquuqdiisa tan iyo markii la aas aasay Puntland.

General Dayr oo kuxigeen u ah Taliyaha guud ee ciidanka Puntland General Siciid Dheere ayaa intaas ku daray inay ka maqan tahay xuquuqda ugu badan qeybaha daraawiishta ee kala ah Nugaal, Sool iyo Cayn, wuxuuna sheegay inaysan mushahaar qaadan 30 bilood halka uu sheegay inaysan helin Adeeg iyo Raashin 32 bilood .

Daawo shirka jaraa,iid ee Saraakiisha.

Dhinaca kale PUNTLAND POST ayaa xafiisyada Guddiga Difaaca Baarlamanka iyo Xuquuqul Iinsaanka Puntland kazoo xigatay qoraalo muujinaya dacwadihii saraakiisha u gudbiyeen , waxaana ka muuqda dhakhli fara-badan oo ah mushahaar iyo xuquuq muddo ka maqan ciidanka daraawiishta.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay mar sii horeysay u gudbiyeen baarlamanka iyo hay,adda xuquuqul iinsaanka Puntland dacwada la xiriirta xuquuqda iyo mushahaarooyinka uga maqan Xukuumadda.

Akhriso qoraalka dacwadaha kazoo baxay xafiiska taliska ciidanka daraawiishta.

PUNTLAND POST