Garowe:-Kastam Wasaarada Maaliyadda oo ciidan gadoodsan la wareegay

Ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushahaar la,aan iyo xuquuq uga maqan Xukuumadda Puntland ayaa goordhawayd la wareegay maamulka bar kastam oo Wasaarada Maaliyadda Puntland ku leedahay magaalada Garowe gaar ahaan kantaroolka magaalada ka xiga dhinaca Koonfurta galbeed ee Gaalkacyo siday u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Gadoodka ciidanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay maanta uga hadleen shir jaraa,iid oo ay qabteen saraakiisha taliska  ciidanka daraawiishta Puntland xuquuq muddo ku dhaw saddex sano ka maqan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe ayaa warar madax banaan sheegayaan inuusan wax fadhi ah la yeelan ciidamada ka dagaalama furimaha Puntland oo gadoodsanaa todobaadkii lasoo dhaafay.

Sida la aaminsan yahay waxaa ciidanka kacdoonkan kusii abuuray war qoraal ah oo ay ku shaacisay wasaaradda maaliyadda Puntland inaysan ciidamadu ku lahayn wax mushahaar ah.

DAAWO shirkii jaraa,iid maanta ay ku qabteen saraakiisha taliska ciidanka daraawiishta.

Kala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POST