Faahfaahin mudane ka tirsan baarlamanka Puntland oo ku dhaawacmay Qarax

Xildhibaan Cabdulqaadir Bootaan oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa casar liiqii galabta siday u xaqiijiyeen PUNTLAND POST qaar ka mid ah saraakiisha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo .

Xildhibaan Cabdulqaadir Bootaan oo xubin ka ahaa guddiga amniga ee Baarlamanka Puntland ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxaana dhaawac culus uu kasoo gaarey qaarka danbe gaar ahaan lug ka dib qarax lagula beegsaday agagaarka xero daraawiisheed ee magaalada Gaalkacyo .

Ma jirto wali cid sheegatay qaraxa galabta lala beegsaday Mudane ka tirsan Baarlamanka Dowlada Puntland .

Falal ka hor imaanaya amniga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay looga baran, wuxuuna ahaa jawiga magaaladu mid degan oo wax badan ka duwanaa marxaladihii Gaalkacyo horey usoo martay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.