Gudoomiyihii Hay,adda Wadooyinka Puntland oo xilka wareejiyay maanta.

Waxaa maanta ka qabsoomay magaalada Garowe munaasabad ay xilalka kula kala wareegeen Gudoomiyihii horre ee Hay,adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan oo maalmo ka hor uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Kumeelgaarka Ahna Gudoomiye kuxigeenka Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Maxamuud Jaamac.

Waxaa goobjoog u ahaa munaasabadaan Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Dowlada, Maamulka Gobolka Nugaal, Madaxda Guddiga BOD-ka,Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha bahwadaagta la ah Hay’adda waddooyinka Puntland ee sida ILO, GIZ,Kuwo maxalliga ah iyo Marti sharaf kale.

Maxamuud C/nuur Aadan Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Jidadka Puntland oo xilwareejinta samaynayay ayaa si kooban uga hadlay heerarkii kala duwanaa iyo waxqabadkii uu ka sameeyay intii uu madaxda ka ahaa Hay,adda PHA.

Guddoomiyaha cusub ee hay’ada wadooyinka Puntland Siciid Maxamuud Jaamac ayaa balanqaaday inuu halkeedii kasii wadi doono shaqada Hay,adda, Isagoona sheegay inay ka mid ahayd PHA hay,addaha dowliga oo mudooyinkii u dambeeyay ku talaabsaday waxqabad la taaban karo.

Daawo sawirada xil wareejinta

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST