Dad ku indho beelay Abaarta iyo Xaalad nafaqo daro oo ku dhufatay Puntland

Wararka soo gaaraya PUNTLAND POST ayaa sheegaya in la soo gaarsiiyay 48 saac ee u dambeysay tuulooyinka ka tirsan Gobolka Nugaal tiro ka badan 10 ruux oo ku indho beelay xaalada abaarta ka jirta deegaanadaas , halka ay u dheer tahay xaalad deg deg ah oo caafimaad xumo midaas oo ay uga shaki qabaan reer miyiga ku nool dhulkaas inay la xiriirto NAFAQO daro soo wajahday dadka.

Qaar ka mid ah geeljiraha ku nool deegaano ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal ayaa xiriir ay lasoo sameeyeen Warbaahinta PUNTLAND POST uga sheekeeyay qisooyin/dhacdooyin cusub oo soo wajahay waxayna sheegeen in kuwo la mid ah aysan horey u arkin.

Cabdulaahi Xaashi Maxamuud oo sheegay inuu geel ku raaco deegaan magaciisa la yiraahdo Ciinleey oo ka tirsan hawdka Gobolka Nugaal ayaa sheegay intii uga hartay xoolihiisii inuu cidlo uga soo dhaqaaqay ka dib markii xaalad nafaqo daro oo deg deg ah soo wajahday ciidankii/dadkii u raacayay xoolaha Islamarkaana uu AWR kusoo qaaday  4 nin oo xaalada noocaan ah ay ku qabsatay hal goob oo isku mid ah.

Daawo wareysiyo PUNTLAND POST la yeelatay qaar ka mid ah reer miyiga ku nool Hawdka Gobolka Nugaal .

Dhinaca kale wararka aanu ka helayno tuulooyinka kala ah Reemanti,Awrculus, Abaareey,Yoonbeys, Laqlaajis iyo Mayle ayaa intaas ku daraya in lasoo gaarsiiyay tiro ku dhaw 10 ruux oo isugu jira caruur, haween, iyo rag oo nafaqo daro awgeed la indho beelay,Waxaana intaas dheer cudurka shuban biyood oo fara-ba,an ku haya deegaano badan oo ka tirsan Miyiga iyo Tuulooyinka Puntland.

Ma ahan mid yar qeylo dhaanta ka imaanaysa qoysas badan oo ay saameyn xoog leh ku yeesheen abaaraha ka jira dalka, Waxaana jira dhacdooyin ugub ku ah dadka iyo deegaanka oo aan horey loo arki jirin.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST