Markab jariif ah oo shil khasaare leh ka geystay Degmada EYL ee Gobolka Nugaal

Dooni weyn oo kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa xalay goordanbe shil khasaaro sababay ka geysatay biyaha badweynta hindiya ee u dhaw xeebta magaalada EYL ee Gobolka Nugaal  ka dib markay dusha ka martay Laash ay la socdaan labo qof oo kaluumaysato u dhashay deegaanka .

Cabdishakuur Aadan (Gorgor) oo ah suxufi madax banaan oo ku sugan Degmada EYL ayaa u sheegay PUNTLAND POST in mid ka mid ah ilaa iyo hadda la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay labadii qof ee la socday laashka doontu dusha ka martay .

Labada qof ee la socday laashka doonidu martay ayaa la kala yiraahdaa magacyadooda Ina Cali Wadaad oo ah qofka ka badbaaday shilka, halka la yiraahdo magaciisa qofka lagu waayay shilkaan Cabdulqaadir Muuse Maxamed Yuusuf Raage,wuxuuna sheegay Cabdishakuur Aadan inuu wakiil uga ahaa doonta shilka gaysatay Wasiirka Qorsheynta Puntland nin dadka deegaanka ah oo magaciisa la yiraahdo Gurey.

Cabdishakuur Aadan ayaa intaas ku daray in shacabka iyo maamulka tuulada Maraya oo ka tirsan Degmada Eyl ay ku guulaysteen in gacanta lagu soo dhigo doonida geysatay shilkaan, wuxuuna sheegay in haatan lagu hayo tuulada Maraya, Islamarkaana ay la socdaan doonta in ka badan 10 Badmaaxiin ah  oo u dhalatay dalka Yemen.

Daawo wareysiga wariye Gorgor.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST