Garowe oo lagu soo bandhigay shaybaarkii ugu horeeyay Somalia oo lagu baarayo Danbiyadda

Kulan maanta ay ku qabatay magaalada Garowe Wasaarada Cadaalada , Arrimaha Diinta iyo Dhaqan_celinta Puntland ayaa lagu soo bandhigay qorshe ku saabsan habraaca sheybaar fududeyn doona in lagu baaro  arrimahala xiriira  kufsiga,hubka, dilalka, Isqab qabsiga dadka isku haysta isirka iyo dhamaan danbiyada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan Celinta Puntland Dr Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) ayaa sheegay inuu noqonayo sheybaarkani markii ugu horeysay oo laga hirgalinayo dalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Faarax ayaa intaas ku daray inuu ku kacay sheybaarku lacag gaareysa malaayiin dollar, Islamarkaana uu wax weyn ka tari doono cadeynta arrimaha la xiriira nooc kasta oo ka mid ah danbiyada kuwaas oo marar badan ay adkaato sidii loo cadeyn lahaa ama lagu kala saari lahaa dadka isku haysta tuhunada ku lugta leh danbiyada.

Kulanka maanta ay ku qabatay Garowe Wasaarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa gogol xaar u ahaa hab raaca sheybaarkan laga hirgalinayo dalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST