Dib u eegis lagu samaynayo Manhajka Dugsiga sare ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta daahfurtay dib u eegis lagu samaynayo manhajka dugsiyada sare ee Puntland, waxaana kazoo qeyb galay daahfurkaan Wasiirka Waxbarashada Abshir Awyuusuf Ciise, Wasiir kuxigeenka Wasaarada, Agaasimaha guud ee Wasaarada, Shaqaalaha Wasaarada iyo 40 qof oo isugu jira khuburo waxbarasho,macalimiin ka kala timid Dugsiyada sarre ee Puntland.

Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ah agaasimaha Tayeynta Manahijta iyo Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa sheegay in dib u eegis lagu samaynayo manhajka dugsiyada sare inay ahayd mid lawada sugayey ilaa 2011-kii si buu yiri loo helo manhaj mideysan oo ay yeeshaan dugsiyada sare ee Puntland.

Waxa uu sharaxay Agaasime Cabdulqaadir heerarkii kala duwanaa ee uu soo marey dib u eegis lagu samaynayo Manhajka dugsiyada sare ee ka jira deegaanada Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa isna sheegay inay guul weyn u arkaan barnaamijkan dib u eegista loogu sameynayo manhajka dugsiyada sare, Isagoona sheegay inay guul weyn u tahay Wasaarada , Ardeyda haatan dhigata Dugsiyada sarre iyo Jiilka soo socda.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Abshir Awyuusuf Ciise oo daahfurka soo xiray ayaa sheegay in marka la soo dhameeyo dib u eegista manhajka lagu dari doono qorista Buugta,Wuxuuna kula dardaarmay macalimiinta iyo wasaarada qoraya qalfoofta manhajka inay si feejigan ula socdaan Waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa sareba oo uu sheegay inay u tahay aasaaska Waxbarashada Ubadka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST