Wasaarada Caafimaadka Puntland oo door ka qaadaneysa gurmadka Abaarta.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markey Abaaro halis ah ku dhufteen Gobolada iyo Deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland , Waxay ka mid noqotay Wasaarada Caafimaadku Hay,addaha dowlada ee fara-kutiriska ah oo door muhiim ah ka qaadanaya gurmadyada iyo gacan siinta loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Tiimam iyo Dhakhaatiir ka socda Wasaarada ayaa bilihii u dambeeyay si isdaba joog ah u gaaraya dhulka miyiga iyo tuulooyinka ku yaala Gobolada, Kuwaas oo ka fulinaya adeegyo caafimaad oo lacag la,aan ah.

Waxaana u dheer abaarta dadka ku nool deegaanada baadiyaha iyo tuulooyinka cuduro, waxaana sii xoogeysanaya gurmadyada joogtada  iyo qorsheyn kala duwan oo Wasaaradu baro caafimaad iyo tiimam guur guura oo daaweynaya bukaanada ka hirgalisay miyiga iyo tuulooyinka .

Kaalinta ay ku leedahay mudooyinkan danbe Wasaarada Caafimadka Puntland gurmadka iyo gacan siinta qoysaska iyo dadka ay saameeyeen abaaruhu ayaan qarsoonayn, Waxaana muuqda kaalin muhiim ah oo ay ka ciyaareyso wasaaradu doorkii ay ku lahayd gurmadka abaarta..

Haddaba bahda PUNTLAND POST oo isha ku haya dhaq dhaqaaq kasta oo ku shaqo leh gurmadka iyo taakulada dadka ay saameynta ku yeesheen abaaruhu waxaa u suuro gashay inaanu la wadaagno Dadweynaha xogtaan ku saabsan soo bandhigida doorka iyo kaalinta Wasaarada Caafimaadka Puntland ku leedahay dhaq dhaqaaqa abaaraha adag ee ka jira Deegaanada iyo Gobolada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST