Shir looga hadlayo qorshe saddex sano ah oo ka furmay Wasaarada Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa qabatay shir looga hadlayo qorshaha 3 sano ee soo socota Islamarkaana ku saabsan Malaria iyo cudurka HIV AIDS-ka,waxaana kasoo qeyb galay madaxda Wasaarada Caafimaadka iyo Hay,addaha Caalamiga , NGO’s xarumaha caafimaadka, Xubno ka socda Jaamacadaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdirasaaq Xirsi Xasan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cabdirasaaq Xirsi Xasan ayaa ka sheekeeyay howlo horey loo qabtay wuxuuna ku booriyay kazoo qeyb galayaasha in laga wada qeyb qaato qorshahaan si loo gaaro himilo iyo yoolka la higsanayo.

Dhinaca kale xubno ka mid ah kazoo qeybgalayaasha shirkaan ayaa uga mahadceliyay Wasaarada Caafimaadka habsami u socodka hawlaheeda shaqo, waxayna  sheegeen inay ku dadaali doonaan dardar galinta qorshahaan.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST