Ehlu sunna”Waxaan xuduud la wadaagnaa Puntland,Ma aqoonsanin Galmudug iyo Hirshebelle”

Shiikh Maxamed Shaakir oo ah hogaamiyaha maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ka jira gobollada dhexe Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Muqdisho uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan cidda taageerta maamulkiisa iyo deegaanada uu ka arrimo.

Hogaamiye Shiikh Maxamed Shaakir ayaa yiri“ Waxaan lacag ka helnaa shacabka taageersan xoreynta Ahlu Sunna, Maamulkeenna waxaa ku mideysan oo taageersan Galmudug, Alhu-sunna Iyo Ximin Iyo Xeeb, waana maamul ay ku jiraan dhammaan beelaha dega Mudug, Galguud iyo Hiiraan”.

Hogaamiyaha Ehlu sunna waljamaaca ayaa intaas ku daray in maamulkiisu ka taliyo Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan, Islamarkaana xadka maamulkiisu yahay Puntland, wuxuuna sheegay inaysan aqoonsaneen Galmudug iyo Hirshabelle.

Maxamed Shaakir oo ay Muqdisho ugu dambeysay 4sano kahor wuxuu dhowaan halkaasi uga qaybgalay caleemasaarkii Madaxweyne Farmaajo, isagoona la kulmay Madaxweynaha kadib xafladii caleema saarka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST