Xafiiska Ciidanka DANAB oo u jawaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland

Siciid Dhagaweyne oo ah hogaanka xafiiska ciidanka kumaandoosta DANAB ee Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu shalay ku sheegay Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdulaahi Shiikh inaanu jirin xuquuq iyo mushahaarooyin ciidamada uga maqan Xukuumada uu ka tirsan yahay ka dib markii ay saaco kooban la wareegeen xarunta Baarlamanka ee magaalada Garowe ciidamo gadoodsan oo dhawaan kasoo baxay difaaca Gaalkacyo ee xadka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Sarkaalkan ka tirsan Xafiiska Ciidanka DANAB ayaa sheegay in mushahaar 7 bilood ah iyo xuquuq kale ay ciidanka uga maqan yihiin Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

“Xaashaa lilaah haddii uusan mushahaar iyo xuquuq naga maqnayn annaga oo gadoodsan gudaha uma aanu soo galneyn magaalo madaxda gaar ahaan xarunta gollaha shacabka Puntland, Islamarkaana difaaca ugama aanu soo baxneyn bilaa sabab , Waxaana idin sheegayaa Wasiirku kuma uusan hadlin hadal xaqiiqo ah “Ayuu yiri Siciid Dhagaweyne oo wareysi kula hadlaya warbaahinta PUNTLAND POST.

Dhagayso wareysi Siciid Dhagaweyne ay la yeelatay PUNTLAND POST.

Dhinaca kale PUNTLAND POST ayaa xubno ka tirsan guddiga difaaca baarlamanka Puntland kasoo xigatay nuqulo ka mid ah qoraalo bilo ka hor ay u gudbiyeen baarlamanka saraakiisha ciidanku, kuwaas oo ay ku cad yihiin cabashooyin ku salaysan xuquuqda iyo bilaha mushahaarka uga maqan Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Akhriso qoraalka PUNTLAND POST nuqulo ka mid ah ay si hoose uga heshay xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamanka Dowlada Puntland oo ay u gudbiyeen saraakiisha ciidanku ka dib kulan ay kula yeesheen baarlamanka bishii December  xaruntooda magaalada Garoowe.

 

Sidoo kale hoos ka akhriso qoraal shalay kasoo baxay xafiiska Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland oo lagu beeniyay in xuquuq iyo mushahaarooyin ciidanku ku leeyihiin Xukuumada Puntland.

PUNTLAND POST