“KACA wixii dhiigloow abaarta u KACA”Daawo Gudoomiyaha Haweenka Puntland

Gudoomiyaha Haweenka Puntland Khadro Warsame Jaamac oo khudbad ka jeedisay kulan maanta lagu casumay Odoyaasha, Maamulka Gobolka Nugaal, Haweenka iyo Waxgarad kale ayaa si qoto dheer uga warbixisay halka ay mareyso xaalada abaarta ka jirta deegaanada Puntland.

Khadro Warsame Jaamac ayaa sheegtay inay kazoo dartey xaalada abaarta ku dhufatay Puntland Islamarkaana dad badan halis ugu jiro dhimasho gaar ahaan qoysas fara-badan oo ku cayroobay abaaraha ka jira deegaanada iyo Gobolada Puntland.

Khadro oo muujinaysa dareenkeeda ku saabsan Xaalada Abaarta ayaa cod dheer ku tiri “ KACA oo wixii dhiigloow abaarta u KACA u KACA oo u gurmada reer miyigii oo maanta ku sugan xaalad aad iyo aad u adag oo ka culus sidii hore “.

Daawo khudbadda Gudoomiyaha Haweenka Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST