Gudoomiye Dhado oo ka hadlay Hawlgalada Amaan ee ka socda Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Gudoomiyaha Gobalka Bari Dr, Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo shir Jaraa,id Saxaafada ugu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa ka waramay natiijooyinkii ka soo baxay hawlgalo ay ka sameeyeen Boosaso Ciidamada Amaanka ee Gobalka Bari.

Gudoomiye Dhado waxa uu sheegay in Amaanka Puntland uu cidkasta oo dagta uu xil ka saran yahay loona baahan yahay in laga shaqeeyo.

Xariga Nabadoon Cabdi Qaadir Xarago ayuu soo hadal qaaday Gudoomiyaha Gobalka Bari, waxaana uu sheegay in uu ku xad gudbay Qawaaniintii iyo sharcigii u yaalay Maxakamadaha Puntland isla markaana sharciga lala tiigsan doono.

Ugu danbantii shacabka Reer Puntland gaar ahan kuwo Boosaaso ayuu ugu baaqay in ay ilaa shadaan Amaanka oo aysan cid dano gaar ah leh aysan ka faaidaysan.

Dhagyso hadalka Gudoomiyaha Gobalka Bari, Dr Yuusuf Maxmed Wacs Dhado

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST