Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo si adag uga hadlay xaalada Amniga iyo Abaarta

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo maanta ka qeybgalay shir ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Puntland ayaa si adag uga hadlay xaalada abaarta iyo Sugida Amniga,Wuxuuna ka dalbadey Hay,addaha,Dowlada iyo Qurba joogta inay u istaagaan gurmad deg deg ah oo loo fidiyo Dadka iyo Duunyada reer guuraga ah oo uu sheegay xaaladoodu inay mareyso meel halis ah.

Gudoomiye Cumar Faraweyne ayaa u mahadceliyay kaalinta mar walba ay haweenku ka qaataan gacan siinta ummada tabaalaysan, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Ururka Gabdhaha ee GOL_NUGAAL, halka uu dhaliilay doorka Ragga .

“Waxaa hadda badatay telefon baa loo dirayaa qof dibada jooga oo wuxuu leeyahay guri baan waxaan ku qaatay deyn oo waxaan iska dhamaynayaa kiradii guriga oo hala I sugo, Maanta waxaan leeyahay dib haloo dhigto dadka dibada baan la hadlayaa, Dadkii baa dhimanaya ,Guri baan deyn ku qaatay Moregage_baan ku jiraa iyo Arrintaa dib haloo dhigo oo dadka walaalihiin ah oo reer Puntland ah iyo Dadka Soomaaliyeed haloo gurmado “Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale Cumar Faraweyne oo ah Gudoomiyaha Gudoomiyayaasha Gobolada Puntland ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan dareenkooda ku saabsan rabitaanka Nabadgalyada iyo in laga horyimaado cid kasta khal khal galinaysa Amniga iyo xasiloonida dalka.

DAAWO khudbadda Gudoomiye Cumar.

Waxa uu sheegay in %70 shacabka Soomaaliyeed u badan yihiin Dumar iyo Caruur Islamarkaana taariikhda laga bartay markay fawdo dhacdo inay dalka uga dhoofaan dadkii u garaacay durbaanka colaadeed kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ahaayeen mar kasta dad dhalashooyinka wadamo shisheeye/Pasport wadamo kale sita.

“Waxaa dhici karta in Albaabka lasoo gargaraaco oo la yiraahdo MINANKAAN YAA JOOGA ? War minankaan  waa la joogaa dowlad baa joogta ,Nabad beyna rabtaa dalka iyadaa xukunta, Haddii wax la tabanayo xafiisyo ayaa furan oo waa lagu soo dhaweynayaa ciddii wax tabanaysa” Ayuu yiri Gudoomiye Cumar Faraweyne oo si adag uga hadlaya ilaalinta iyo dhowrida Nabadda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST