“Axmed Madoobe” Al-Shabaab waxaa gacantooda ku jira dad u baahan gar-gaar

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inay adkaan doonto deegaannada qaar oo ay abaar xooggan ka jirto sidii gargaar loo garsiin lahaa ka dib markii uu sheegay in Alshabab gacanta ku hayaan deegaano badan oo abaaro ku hayaan reer guuraaga.

“Maanta wax walba iyo gargaar kasta oo la helo,lama garsiin karo dadka u baahan ee ku jira gacanta al-Shabaab,”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu caddeeyay haddii aan gargaar deg deg ah aan la gaarsiin dadka ku nool deegaannada ay maamullan al-Shabaab inay qarka u saaran yihiin in ay dhintaan.

Wuxuu sheegay in loo baahan-yahay qorshe awood leh,si loo xoreeyo dadka dhibaateysan ee ku sugan deegaannada ay ka taliyaan ururka al-Shabaab ee dowladda dagaalka kula jira.

Gobolka Jubbada dhexe ee koonfurta dalka oo ka mid ah dhulka ay abaaruhu ka jiraan,waxaa dhammantiis gacanta ku haya al-Shabaab,waxaa kalo jira deegaanno ka tirsan koonfurta oo ay maamullan ururka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST