Wasiirka Maaliyadda Puntland oo beeniyay xuquuq ka maqan ciidanka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdulaahi Shiikh ayaa lagu beeniyay jiritaanka xuquuq Xukuumada uga maqan Ciidamada oo samaynayay maalmihii u danbeeyay gadood ay ku dalbanayaan mushahaarooyin iyo xuquuq uga maqan Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiir Cabdulahi Shiikh.

Ujeedo Warsaxaafadeed  Wasaaradda  Maalivadda

Qoraalkan waxaan uga gol-leenahay in aan ku  iftiimino  arrimo  dhowr  ah  oo aan uga maarmiweynay  in aan u bandhigno  shacab-weynaha  Puntl and.

Waxa beryahan dambe warbaahinta laga arkayey shaqsiyaad wata fikrado gurracan oo bulshada Puntland ayan caado u lahaan jirin. Shaqsiyaadkaas waxa dantoodu tahay in ay fıtno dhex-dhigaan shacabka Puntland, amniga waddankana khalkhal geliyaan ayagoo adeegsanaya xeelado aan garasho dheeri ka dambayn iyo warar been-abuur ah xaqiiqdana ka fog si ay dadweynha u majare-habaabiyaan,  dalkuna u galo khalkhal amni iyo burbur siyaasadeed, waxayse moogyihiin in shacabka Puntland uu bisilyahay maanta, 18 sano oo dowladnimo ah ka dib, uu ka koray in lagu kiciyo afkaar dana gaar ah laga leeyahay.

Waxa xusid mudan, in taariikhdu markay ahayd 26/02/2017, ciidan ka  tirsan Puntland ay hortageen Aqalka Barlamanka Puntlnad iyagoo  sheeganaya  xuquuq kaga maqan Dawlada, taasoo ka kooban mushahar iyo xuquuqo kale oo gaaraya sideed bilood.

Hadaba, waxa madaxda Wasarada Maaliyada oo halkan hoose ku saxiixani caddeyneysaa in sanadkii dhamaaday ee 2016  aanay jirin  wax Mushahar,  addeeg iyo Raashin ah oo Ciidankaasi ka maqan. Waxa intaas dheer, in sanadka hadda lagu jiro ee 2017, ay Wasaaraddu caddeyneyso in ciidankaas loo gudbiyey dhammaan xuquuqihii billaha ahaa ee bisha January, sida mushahar, adeeg iyo raashin. Waxa u harsan, oo aanu weli ciidanku qaadan bishan aynu ku jirno February 2017.

Maraka qaarkood, haddii ay  miisaaniyadda  billaha  ahi,  sİda  wakhtiyada badxiranka   ah,   is   dheeli   tiri waydo waxay haddana Wasaaraddu  mudnaanta koowaad siisaa Ciidamada, oo ay u qoonsantahay inay xil gaar ah oo adag  u hayaan dalka iyo dadkaba

Waxaa nasiibdarro ah in ciidan joogay goobihii loogu talogalay  ay  sidaas u fududaato in ay soo baneeyaan, islamarkaasna  lagu abaabulo  dareen been-abuur  ah si loo kiciyo shacabka Puntland waxaan unıahad celinaynaa dhamaan ciidamada Puntland oo ah kuwa had iyo jeer usoo jeeda difaaca dalka iyo dadka una dhabar adayga dhibaatoyin badan.

Xukuumadda hadda talada haysa waxay horaantii sanadkii 2016 horseeday in miisaaniyadda qoondo dheeraad ah loogu daro daryeelka ciidanka ku dhaawacma hawlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa ubaahan gargaar gaar ah, waxaana si toos ah loo bilaabay horaantii sanadka in dhaawacyada dalka wax lagaga qaban waayo loo qaado dalka dibadiisa sida India itobia iyo Keyna. Dhamaan dhawacyadaasna waa lagu guulaystay waxkaqabadkoodii inta badan

dhimashada iyo daryeelka qoyska , anagoo ka xun in mararka qaarkood ciidan waajibkiisa gudanaya ay nafdooda ku waayaan , waxay wasaaradu nafdood hurayaashaas   u   qoondaysay   inay   bixiso   duugtooda   xuquuqdoodiina  ay u joog  teeyso qoyskii marxuumka.

Wasaaradda Maliyada waxaa ka go’an inay ku dhaqanto misaaniyadda golayaashu ansixiyeen, taasna waxaa suura galinteeda door muhiim ah ka qaatey sytemka loo yaqaan FMIS (Financial management information ystem), ilahay mahaddii waqtigaan xaadirka ah ay wasaaraddu si buuxda ugu dhaqanto.

 Mr: Abdulaahi  Sheikh Ahmed