Ururka Qareenada Gabdhaha Puntland oo maanta tababar ka furay Garowe

Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha diinta Dowlada Puntland ee magaalada Garowe tababar loo qabtay Jaamacadda PSU, PUWLA iyo Qaar ka mid ah hay,addaha Amniga kaas oo qorshuhu yahay in lagu baro dadka ka qeybgalaya sida loo qoro tiro_koobka, Lamacaamilida dhibanayaasha iyo SGBV.

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa qabanaya Ururka Qareenada Gabdhaha ee Puntland Woman Lawyers Assocaition waxaana maalgalinaysa Hay,adda UNWOMAN sida ay sheegtay Fartuun Cali Liig oo ka tirsan Ururka Qareenada Gabdhaha Puntland .

Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cali Gargaar oo furay tababarkan ayaa uga mahadceliyay Ururka Qareenada Puntland Wuxuuna sheegay in Wasaaradu soo dhaweynayso Tababarkaan oo uu ugu baaqay dadka ka qeybgalaya inay ka faa,iideystaan.

Daawo Sawirada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST