Wasaarada Caafimaadka Puntland oo baadiyaha u dirtay dhakhaatiir

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Puntland ayaa gobolada Puntland u kala dirtay kooxo caafimaad. Muddadii u dhaxaysay 16-26 bishaan kooxaas waxay kal atageen degmooyinka Burtinle, Buuhoodle, Bargaal, Ufayn, Degmoyinka Gobalka sanaag, iyo Heylaan, talex iyo Hudun, kooxaas oo ka kooban, Dhakhatiir iyo kalkaaliyaal watana agabka caafimaad sida Daawada iyo qalabka wax lagu baaro.

Dhaqaatiirtaa waxay guud ahaan daaweeyeen, nafaqeeyeen, dad gaaraya  5,041 qof oo isku jira carruur iyo dad waawayen oo ay ugu tageen meelihii ay daganaayeen iyo tuulooyinka abaartu ka jirto, oo ay ka jireen baahiyo caafimaad.

Waxaa uu qorshuhu yahay in kooxaan wadaan shaqada ilaa 3 bilod, sidoo kale waxay wasaraddu qorshasay in asbuuc ka dib ay kooxo kale u udirto meela baahiyaha kale ka jiraan.

Akhriso xogta ka jawaabida abaaraha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST