Robert Mugabe oo u dabaaldegay sannad-guuradiisii 93-aad

Hogaamiyaha dunida ugu da’da weyn, madaxweyne Robert Mugabe oo xukuma Zimbabwe, ayaa u dabbaal degay sannadguuradiisii 93aad.

Xafladda dhalashadiisa waxaa ka qayb galay kumanaan taageerayaal ah, taasoo ka dhacday meel dibadda ka ah magaalada Bulawayo.

Wuxuu ku labbisnaa koofi iyo shaar ay xaaskiisa naqshadaysay, wuxuuna sheegay inuusan carrabka ku dhifan doonin cidda beddelaysa.

Xisbul-xaakimka ZANU-PF ayaa la sheegay inuu aad ugu kala qaybsan yahay cidda beddeli doonta.

Wariye BBC u soo warramay ayaa sheegay in Mr Mugabe uu inta badan kursi ku fadhiyey, mararka qaarna ay indhihiisu is galayeen. Dhowr keeg ayaa la keenay xafladda, kuwaasoo midkood uu ku dhawaa boqol kiilo, ayadoo loo sameeyey sida khariidadda Zimbabwe.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST