Kaluumaysiga Sharci Darada ah oo ku sii badanaya Xeebaha Puntland

BOSASO-[Puntland Post] Waxa ay Cabasho  ka soo yeeraysaa dadka degan dhul Xeebedka Puntland oo xiligan Faro Kulul ay ku Hayaan Marakiib Shi-sheeyey oo Qarkood Aqoonsi ka haysta Wasaradda Kaluumaysiga iyo Kheyradka Badda Puntland.

Waxaana la soo sheegay in xeebahaasi ay soo galeen Boqalaal Doomo iyo Maraakiib ah, Kuwaas si joogta ah dhibaatooyin ugu geysta Dadka kaluumaysata ah ee dagan Deeganada xeebaha ku teedasan.

Gudoomiye Ku Xigenka Degmadda Bandar-beyla Bile Nuur Faarax oo Warbaahinta Sbc waraysi siiyey  ayaa sheegay in xiligan ay dhib wayn ku hayaan Marakiib iyo Doonyo laga leeyahaya Dalalka Jaarka la ah Soomaliya.

Waxana uu Baaq u Diray Dawalada Puntland oo uu Hogaamiyo Cabdiwali Maxmed Cali Gaas in ay Arintan waxa ka qabtan .

isagoona sidoo kale ku Hanjabay in hadii si dag-dag ah waxa looga qaban waayo Arintan ay ka cabanayaan Kaluumaystada Puntland ay iyagu  ka Tashan Doonan sidii ay Marakiibatan iyo Doonyahan ay Xal uga Gaari lahayeen.

Waxuu ka sheekeyay Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaankaasi, Oo ay ugu badantahay inan fursad la siin ay ku kaluumeystaan, Mararka Qaarna Laga burburiyo Agabkooda Kaluumeysiga.

Dawalada Puntland ayaa Masiibo Qaran u Aqoonsatay Jiriifka Xeebaha Puntland inkastoo ay Markiib iyo Doonyo ay wasaradda Kaluumaysiga Puntland ay siisay sharcigii ay ku kaluumaysan lahayeen, halka 7 Markab oo laga leeyahay Dalka Jabuuti ay Taagan yihiin Xeebta Boosaso isla markana ay sugayana in la siiyo  Sharcigii u ogalan lahaa in ay ka kaluumaystan Xeebaha Puntland.

Si kastaba Waxa wali soo badanaya walaca ay Qabaan kaluumaysatada Reer Puntland ee ku aadan Jiriifkan aan Sharciga ahayn ee xilgan ka jira Xeebaha Puntland

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST