Dugsiga Imaamu Shaafici oo Abaalmarino Gudoon siyey Ardayda kalmaha Hore ka Gashay Imtaxaanka Shahaadiga ah

Munasabad lagu Abaal marinayey Ardayda Kaalmaha hore ka gashaya Imtaxanka Teeramka  hore Ee iskuulka Imaamu Shaafici ee  Faracayadiisa kala duwan ee Magaalada Boosaso ayaa lagu Qabtay Dugsigaasi.

Munasabadan oo ahad mid si wan loo soo Agasimay ayaa waxa ka soo qab galay Maamulka Dugsiga Imaamu Shaafici ,Macalimiin, Waalidiin, iyo Marti Sharaf kale.

Axmed Jaamaca Maxamed Kiimiko oo ah kormeeraha Guud ee iskuulka Imaamu Shaafici ee Magaalada Boosaso  ayaa ugu horan waxa uu sharaxay Tirada Ardayda kal maha Hore galay .

”’Waxa Guud ahan iskuulka Imaamu Shaafici Imtaxaanka kalmaha hore galay 1433Arday waxana laga Abaal marinayaa 43Arday waxayna iskugu  jiraan 16Arday oo Dugsiga Sare ah Iyo 12Arday oo Dusiga Hoose Dhexe ah ee Imaamu Shaafici.”’

Maxamed Cabdilaahi Cabdule. Maamulaha Guud ee Dugsiga Imaamu shaafici ee Magaalada Boosaso oo ka hadlay Xalfadan ayaa Ardayda kula dar daarmay in ay dadalkooda ay labo jibaaran.

”Xalfadan u jeedkeedu waa in aanu uga mahad celino Ardaygu Juhdigu u bixiyey Waxbarashadooda isla markaana la Abaal Mariyo .

Wan idin Hanpalyeynayaa Ardayda kal maha hore gashay waxan idin kula Dar Daarmayaa in aad Dadaashan si aad guul u gaadhan ”’.

waxan wali diinta ka cod sanayaa in ay sii lab jibaran kolsoonida ay ilmahooda siinayaan ee ah in ay wax baratan ,waxa Barshadan ay ku Kaan taroolan.

Qaar kamid ah walidiinta Ardaydan oo Xalfada ka hadlay ayaa umahad celiyey Macalimiinta sida wanagasan ay wax u Barayaan ubadkooda islamrkaan ku til Maamay Kuwo ku dayasho Mudan.

Sanad walaba xiligan oo kale ayaa la Abaal mariyaa Ardayda Kaalmaha Hore kagalay Imtaxanka teeramka Hore isla markaan lagu dhiiri galiyaa in ay sii watan Dadaalkoda si ay Guul u Gaaran.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLANDPOST