Bosaso: Dabley weerartey goob ay Joogeen Ciidamo ka tirsan Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Fiidnimadii caawa ayaa dabley hubeysan weerar ku qaadeen Bar kantarool oo ay dhigteen ciidanka Boolisku taas oo la dhigey afka hore ee laga gelo waddada hormarta shirkaddii hore ee Netco, marka laga yimaado dhanka galbeed,

Warar Puntland Post uu helayo ayaa sheegaya in weerarka lagu bilaabey Bomka gacanta laga tuuro kadibna waxaa magaalada Guud ahaan  laga maqley rasaas dhacaysey muddo 15 daqiiqo ah oo ay fureen Ciidamo ka ag dhawaa halka Bomka gacanta laga tuuray.

Askar ku sugneed goobta uu ka dhacay weerarku ayaa ku dhawacmey qaraxa Bomka, waxaana la geeyey isbitaalka guud ee Bosaso.

Maamulka Isbitaalka oo Puntland Post uu xiriir la sameyey ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dhaaawaca askartu uu yahay mid fudud.

Laamaha Amanku wali kamaysan hadalin weerarka dhacay iyo waliba Rabshadihii dhacayey 24 saac ee ugu danbeyey oo ay dhigayeen dhalinyaro ka gadood san xariga loo gaystay Nabadoon Cabdi Qaadir Xarago oo ah Nabadoon si aad ah looga Yaqaano Gobalka Bari,.

Magaalada Boosaso ee xarunta Gobalka Bari, ayaa waxa xiligan ku suagan Masuuliyiintii ugu saraysay Puntland waxayna weeraradan  kusoo aadayaan mucaaradad xoogan oo ay maalmihii u danbeeyey wajahaysay xukuumada madaxweyne Gaas.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST