Wasaarada Caafimaadka Puntland oo olole ka bilowday Garowe

Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta howlgalisay kooxo adeegyo caafimaadka ka fulinaya Kaamka Shabeelle oo ku yaalla magaalada Garowe, halkaasoo ay ku nool yihiin dad-barakacayaal ah oo dhawaan lasoo daristay xaalad caafimaad darro sababtay geerida in kabadan 12 ruux.

Ololahan, ayaa isugu jira daaweyn iyo wacyigalin ku aadan in laga hortago waxyaabaha keeni kara caafimaad darrada iyo cudurka shuban biyoodka.

Waxaana hormuud  u ahaa Barnaamijkan Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr  Cabdinaasir Cismaan Cuuke, Wuxuuna mid mid isu dultaagay dadka bukaanka ah iyo guryahooda , Isagoona ku booriyay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fayo-dhowr la’aan.

Kormeerka ka dib Wasiir Cuuke wuxuu shacabka ku nool Kaam Shabelle ee magaalada Garoowe ugu baaqay inay ilaaliyaan nadaafadda islamarkaana booqdaan goobaha caafimaadka, isagoo xusay in dhibaatada ka dhacday halkaas sabab u ahayd dhaliil katimid dhinaca bulshada oo aan ku xirnayn goobaha lagu dabiibo bukaanka.

Daqaatiirta wada daweynta iyo ardayda caafimaadka ka barata magaalada Garowe oo dadaalkan wax ka waday ayuu uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ugu shaqaynayaan shacabka islamarkaana u buuxinayaan waajibaadkii laga rabay.

Dadka ku nool Kaam Shabeelle ayuu Wasiir  Cuuke ku adkeeyay inay ka taxadaraad nadaafad xumada baahsan ee dhalin karta cudurrada kala duwan kuwaas oo mararka qaybtood isu badali karta halis ku faafta bulshada.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa ka mahad-celiyay dadaalka wasaaradda, waxayna sheegeen in xaruntooda caafimaad laga dhigay mid tan iyo xalay shaqaynaysay islamarkaana ay geeyeen bukaano kala duwan.

Ololahan ayaa socon doono muddo dhowr maalmood ah, waxaana qayb ka ah degmada Garowe iyadoo kormeerkii maanta goob joog ka ahaayeen maamulka caasumadda Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST