Booliska Nugaal oo maxaabiis iyo lacag ku wareejiyay Somaliland

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Awmaxamuud (Xinjira dhuuq) ayaa maanta ku wareejiyay deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool Taliska Qeybta Booliska Maamulka Somaliland saddex qof oo maxaabiis ah oo lacag kala soo fakaday magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.

Cabdirashiid Xinjira Dhuuq ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay ku wareejiyeen Taliska Qeybta Booliska Somaliland ee Gobolka Sool saddex ruux iyo lacag dhan 18 kun oo dollar oo ay kala soo fakadeen goob hotel ah oo ku taala magaalada Boorame .

Waxaana uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal in dadkaan iyo lacagtay lasoo fakadeen ciidamada amnigu ka qabteen gudaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Somaliland iyo Puntland Maxaabiis iyo Hanti la dhacay ay la kala wareegaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST