Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo beenisay in la isticmaalay daawo dhacday

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamad iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha Puntland oo si wada jir ah shir jaraa,iid maanta ugu qabtay xarunta Wasaaradu ku leedahay magaalada Garowe ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha internetka Soomaalida.

Wasiir Cabdijamaal Cismaan ayaa ku eedeeyay dadka qorey warar ku saabsan in daawo dhacday lagu talaalay xoolaha deegaanada Puntland, Isagoona ku tilmaamay inay yihiin dad cadow ku ah danaha Soomaalida gaar ahaan Puntland ka dib markii uu sheegay  in xooluhu lafdhabar muhiim ah u yihiin nolosha.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Cabdijamaal Cismaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in daawo dhacday Wasaaradiisu ku talaashay xoolaha, wuxuuna u cuskaday inaysan xilliga abaarta habayaraatee xoolaha aan la talaalin.

Cabdijamaal ayaa sheegay in sifo sharci ah uga daba tagi doonaan dadka ka dambeeya warkaan uu ku tilmaamay inuu yahay been abuur laga faafiyay Sumcada Xoolaha Puntland, Wuxuuna sheegay inay ka dalban doonaan Hay,addaha Garsoorka sidii cadaalada la isugu horkeeni lahaa warbaahinta daabacday Warkaan iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland ay beeniyaan war ka dhan ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ee Soomaalida.

Daawo Shirka Jaraa,iid Ee Wasiir Cabdijamaal

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST