Gudoomiye Jawaari: “waa in deg deg Maxkamad loo horkeeno dhalinyarada aan danbiyada gelin”

MUQDISHO-[Puntland Post] Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa amray in deg deg Maxkamad loo horkeeno dhalinyarada aan danbiyada gelin ee ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dhalinyaro aan danbi gelin in ay ku jiraan Xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaana laamaha Caddaaladda dalka uu faray in ay si deg deg ah ay ku furaan Gal dacwadeedka dhalinyaradaasi.

Gudoomiyah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadalkan ka sheegay xili uu shalay ka qab galay Sanadguuradii ciidanka Asluubta

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST