Xarun Cusub oo Daaweynta iyo Farsamada Ilkaha oo laga furay Garowe.

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu daahfuray xarun cusub oo laga hirgaliyay taas oo lagu magacaabo Dental Care oo qaabilsan daaweynta  ilkaha.

Xaruntan oo qabanaysa howlo caafimaad oo kala ah saarista ilkaha, Bixinta ilkaha, Buuxinta Ilkaha, Qurxinta Ilkaha iyo Xirida Biraha Ilkaha.

QARAN DENTAL ayaa noqonaysa xarun cusub oo kusoo kordhinaysa gudaha  dalka adeegyo horey uga maqnaa gudaha Puntland, Waxaana maanta soo buux dhaafiyay boqolaal qof oo dalka dibadiisa u aadi jiray Adeegan ka dib markii ay maqleen in xariga laga jaray xaruntan cusub.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST