Xuska maalinta joojinta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Garowe

Waxaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland xuska maalinta caalamiga ee loogu magac darey Joojinta Gudista Gabdhaha, Waxaana kazoo qeyb galay masuuliyiin ka socota dhamaan Hay,addaha UN-ka, Kuwa Maxaliga ah, Wasaaradaha Dowlada Puntland iyo Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka.

Maanta oo ay taariikhda bishu tahay  06 Febuary 2017 waxay ku began tahay maalinta gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay u asteeyay In loo aqoonsado maalintan oo kale ciribtirka sidii aan dhaawac loogu geysan lahayn xubinta taranka dumarka.

Munaasabada lagu xusayay maalinta joojinta gudniinka gabdhaha waxaa lagu qeybiyay buug ka hadlaya siyaasadii ka dhanka ahayd gudniinka gabdhaha ee ay soo saartay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Islamarkaana uu saxiixay Madaxweynaha Puntland 08 March sanadkii 2014-ka.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST