Maxaa loo bedelay goobtii lagu dooran lahaa Madaxweynaha? HADAL_HAYN

Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya inay ka dambeysay in loo wareejiyo Xarunta Afisiyooni eek u taala Garoonka Diyaaradaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sababo la xiriira amniga iyo carqaladeyn doorashada uga timaada ciidamada Somalida oo wararku sheegayaan qaarkood inay taageersan yihiin Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Ahna Musharax Xasan Shiikh Maxamuud.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu isa soo tarey walaaca ay ka qabaan Musharaxiintu suurta galnimada inay jiraan ciidamo lagu amrey inay carqaladeeyan Doorashada, haddii laga cod bato Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh.

Go,aankan maanta la shaaciyay oo kusoo beegmaya xilli 2 cisho oo qudha ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha, waxaana wararku sheegayaan qoraalo iyo dacwado ay durba arrintaas ka keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku doodaya in saacado gudahood lagu dhaqan galiyo mooshin ka keenayaan go,aanka Guddiga Doorashadu uga wareejiyay xaruntii horre ee Iskool Polizia oo qorshuhu ahaa in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Villa Somalia .

Sidoo kale wuxuu kusoo beegmayaa isbedelka lagu sameeyay goobtii  hore ee doorashada Madaxweynaha xilli uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Maxamad Sheekh Xasan Xaamud taliska iyo ciidamadiisuba taageersan yihiin Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Federalka Soomaalida oo la hadlay saxaafadda ayaa ku tilmaamay go,aanka guddiga doorashadu maanta shaaciyay mid sharaf dhac lagu sameynayo ciidamada qaranka iyo magaca Soomaaliya, sidaas darteedna aysan aqbali karin.

Waxayna ku hanjabeen saraakiishan la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida inay iyaga iyo ciidamadoodu kazoo bixi doonaan furaha ,ayna usoo baneyn doonaan Cadowga ay la dagaalamayaan, Taasna waa arrin keeneysa tuhun hor leh oo xoojinaya shakigii keenay in isbedel lagu sameeyo goobtii horey loogu qorsheeyay in lagu qabto 08 bishaan Doorashada Madaxweynaha.

Doorashada oo markii hore la qorsheeyey in lagu qabto Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee School Polizio, ayaa lagu soo warramayaa in loo wareejiyey dhisme ku yaala inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone oo ay maamulaan ciidamada Amisom iyo beesha caalamka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST