Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay maanta Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa safar aan horey loo sii shaacin uga dhoofay magaalada Garowe xilli wararku ay sheegayaan inuu kusii jeedo magaalada Muqdisho .

Socdaalka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo yar ka harsan yihiin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, Sidoo kalena uu shalay Garowe kulan aan la shaacin kula qaatay saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya oo socdaal dhulka ah ku yimid Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wararku sheegayaan socdaalkiisa inay ku wehliyaan ilaa 50 qof oo ka mid noqonaya wafti Dowlada Puntland uga qeyb gali doona Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay qabsoonto 8 bishaan.

Dhinaca kale waxaa horey Muqdisho ugu sugnaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Puntland sida Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamanka Puntland Xuseen Xaaji, Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland kuwaas oo wararku sheegayaan inay ka mid yihiin xubno kala duwan oo ka kala tirsan guddiyada ololaha doorashooyinka ee musharaxiinta ku hardamaysa Muqdisho.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST