Tacsi:- Marxuum Guure Faarax Jeer oo ku geeriyooday Garowe

Waxaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 04/02/2017 ku geeriyooday magaalo madaxda Puntland ee Garowe Alle ha u naxariistee Guure Faarax Jeer oo ka mid ahaa waxgaradka Gobolka Nugaal.

Marxuum Guure Faarax Jeer wuxuu abaare 1930-kii ku dhashay Gobolka Nugaal, wuxuuna kusoo barbaaray isla deegaanka Nugaal.

Wuxuu ifka uga tagay Marxuum Guure 14 qof oo ay u kala dhaleen 3 xaas oo uu ku jiro Qunsulka Soomaalida u fadhiya dalka Indonesia Cabdinaasir Guure Faarax Jeer.

Marxuumka ayaa kasoo jeeda qoys caan ka ah bulshada Gobolka Nugaal, wuxuuna ahaa shaqsi maamuus iyo qadarinba ku leh bulshada dhexdeeda, Isagoona ka mid ahaa dadkii u soo shaqeeyay dowladihii dhexe ee soo maray dalka Soomaaliya, Balse wuxuu markii danbe u weecday dhanka ganacsiga, Isagoona  ganacsiyo ku lahaa magaalooyinka Jig jiga, Hargeysa, Kismaayo, Muqdisho iyo Garowe.

Haddaba bahda iyo maamulka PUNTLAND POST waxay si wada jir ah uga tacsiyaynayaan qoyska, Ehelada iyo Qaraabada Marxuum Guure Faarax Jeer, waxaana alle uga baryeynaa marxuumka inuu kitaabkiisa midigta ka siiyo Sidoo kalena samir iyo imaan ka siiyo inta uu ifka uga tagay, Aamiin, Aamiin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.