Maxaad kala socotaa tacidiyadda SARACEN iyo Muwaadin maxbuus u ah ?

Waa maalintii 7aad oo ay xabsi ugu jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed saraakiil ajnabi ah oo maamulaysa xerada ciidanka Badda Puntland ku leeyihiin Bosaso sida uu wareysiga kore ugu xaqiijiyay Puntland Post Odey Cabdiraxmaan Abshir oo ka mid ah ehelada mid ka mid ah muwaadiniin lagula kacay tacadiga iyo jirdil xoog leh.

2 dhakhtar iyo xirfadle maamul oo Soomaali ah oo saddexduba howlo shaqo kala duwan uga shaqeynayay waaxda caafimaadka ee SARACEN-Bosaso, ayaa 20-kii bishii January shaqadii laga joojiyey, kadib markii ay dacwo ku fureen saraakiisha dawlada Imaaraatka uga masuulka ah mashruuca SAARACEN.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 20-kii January waxaa ku socday baaritaan, bahdil iyo hanjabaad waxaana la amray inaysan shaqo qaban Karin xeradana aysan ka bixi krin, dhamaan howlahaasna waxaa si gaara oo madax banaan garwadeen uga ahaa saraakiil ajnabi ah oo dawladda Imaaraatka u jooga Puntland.

Saddexdaan sargaal oo labo kamid ah aan magacyadooda hayno, laguna kala magacaabo Axmed Gootaale iyo Abdicasiis Kabayare ayaa sida la sheegay mid ka mid ah uu fasax shaqada uga maqnaa wakhtigii ay dhacaysay amuurtani, wuxuuse la xukun ahaa saxiibadiisa dabinka ku dhacay.

Cabdicasiis Kaba-yare

Maamulka Puntland masuulka uga ah PMPF waa ciidamamada Badda Puntland’e, wax door ah kuma lahayn dambiyeyntii hore, iyo xukunka xoriyada looga qaaday masuuliyiintaas dawlada Puntland u shaqaynayey, waxaase na loo sheegay inay goob-joog ka ahaayeen dacwad dhagaysiga qaybtood, isla markaana, sida aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay, Agaasimaha PMPF waxaa la sheegay inuu aad uga xumaa wixii dhacay, Islamarkaana uusan ku qancin dacwada isagoo rumaysan inaysan haysan cadaymo ku filan, wuxuuna eheladda dhibanayaasha u sheegay inuu la tacaali doono furdaaminta amuurtan.

Wixii intaas ka dambeeyey oo dhami waxay noqdeen jab iyo naaso-beel iyo guul daro aan garowsho lahayn, waxaana xerada dhexdeeda dac-daro ugu geeriyooday askari bukaan ah oo ka tirsanaa PMPF ka dib markii shaqadii laga joojiyay hawl-wadeenadii u hayay daawada iyo dabiibka Islamarkaana uu waayay  cid buuxisa booskoodii oo aan lagu badalin.

Waxaa  3 habeen ka hor ka baxsaday dabinkii carabka Imaaraadka u fadhiday xerada mid ka mid ah 2-dii masuul ee u xirnaa Askarta ajnabiga ah, kadib markii uu u adkaysan waayey, wuxuu door biday inuu darbi 3 mitir ah oo Gaadh laga hayo uu iska laalaadiyo, Islamarkaana uu biimeeyo naftiisa.

Nasiib wanaag wuu badbaaday, wuxuuse ku dhuumaalaysanayaa xaafadaha Bosaso. Sida la sheegayna waxaa lagala haray, passporkii, gaarigii iyo mushaarkiisii, shalay oo ay bishani kow ahayd waxay Askartii Dubai fasax cadaysay inaysan wax cadayn ah u ahayn dacwadoodii, sidaasi darteedna waxay u sheegeen muwaadinkii maxbuuska u ahaa (Kabayare) inuu fasax u yahay dhaq-dhaqaaqiisa, sidaasna uu ugu hoyday xalay hotelada Bosaso midkood.

Beerba laf kama filayne, saaka ayey ahayd markuu telephone ka helay xerada SAARACEN, laga codsaday inuu xerada yimaado, si uu shaqo taagnayd uu u qabyo tiro, waxayse noqotay Mareeg lagu soo dabayey iyo qorshe lala maagan yahay,Waxaana qol kusoo xirtay labo Askari oo Ajnabi ah, waxay hor-dhigeen warqad ay ku qoran tahay; WAXAAN QIRAYAA INAAN GALAY DUNUUBTA LAYGU SOO OOGAY, WAXAANA DALBANAYAA CAFIS.

Waxaa la amray inuu saxiixo, iyadoo badalkeeda loo balan qaaday inaan waxba kaga soo noqon doonin, haduu diiday waxaa u xigtay gacan-qaad- feer, dharbaaxo, hardi iyo haraati, mar qudha ayuu miyir beelay, marna wuu gal-galanayey, marna wuu ooyayey, waxay socotay mudo ka badan 4 saacadood, waxaana ugu dambayntii lagu  cabsi galiyey inuu bastoolad ku dhufan doono, taas oo u fududayd, ilaa uu markii dambe uu isku bad-baadiyey inuu u saxiixo inuu dambiile yahay, cafisna waydiisto dowlada Imaaraatka Carabta.

Wuxuuna isagoo miyir qabin uga tagay goobtii, sida lagu soo warbixiyeyna dhagaha waxaa ka yimid dhiig, madaxu wuu bararan yahay, feerahana waxbuu ka qabaa,wayna adag tahay in wax badan laga ogaado,dadaalo badan oo lagu doonayo in dhibanaha dhakhtar loogu qaadana way guul daraysteen.

Inkasta oo wararku sheegayaan inay ka carootay warkaasi Madaxtooyada Garowe, haddana waxaanu eegi doona cirib-dambeedka dhibanaha, iyo sidoo kale talaabada laga qaado dambiilaha duulaanka ku yimid, una bareeray inuu tacadiyo heerkaas gaarsiisan u geysto muwaadiniin u dhashay Soomaali gaar ahaan Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST