XOG:- Wada_hadalka Xasan Shiikh iyo Cumar C/rashiid

Xogta PUNTLAND POST ka helayso Muqdisho ayaa sheegaysa inay isku soo dhawaadeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo labaduba u tartamaya xilka Madaxweynaha kuwaas oo kala fogaa intii uu bilowday ololaha doorashada Villa Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in doblumaasiyiin dalalka dariska ah ay u kala dabqaadayaan labadaan masuul halka wararku sheegayaan inay ku timid arrintoodu ka dib kala qeybsanaan saameysay musharaxiinta ka timid dhanka Puntland iyo Baarlamanka labada aqal oo uu taageero ka filayay Cumar Cabdirashiid.

Labada arrimood ee aan kor kusoo xusnay tan danbe ayaa la rumaysan yahay inay ka dambeysay wada hadalka u bilowday Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid, Wuxuuna u sheegay PUNTLAND POST siyaasi u dhaw Musharax Sharmaake oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sida hoos ku qoran.

“Waxaa soo dedejiyay wada hadalka Xasan Shiikh iyo Cumar Abdirashiid ka dib markii ay kala qeybsameen musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo heyb ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland Islamarkaana qaarkood gacan saar la yeesheen musharaxiinta kale ee kasoo jeeda Muqdisho, Sidaas darteed Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid labadoodaba culays bey ku tahay arrintan, waana taas midda keentay wada hadalkan”

Siyaasiga la hadlay PUNTLAND POST ayaa rajo ka muujiyay is afgarad dhex mari kara labadaan Musharax , wuxuuna intaas ku daray in Xasan Shiikh Maxamuud uu awalba diyaar u ahaa inay wada ololeeyaan Cumar Cabdirashiid si ay dib ugu soo noqdaan labadooduba xafiisyada ay fadhiyaan.

Dad badan baysan ka qarsoonayn isxulufeysiga Musharaxiinta sida Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynihii horre ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) oo isku garabsanaya inuu yimaado Isbedel iyo danahooda siyaasiga oo hadda u muuqda inay yihiin kuwo isla jaan-qaaday.

Suurta-galnimada inuu noqdo mid guulaysan waaya wada hadalka u bilowday Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa meesha ku jirta marka loo eego waqtiga uu kusoo beegmay oo ah xilli ay maalmo yar ka harsan yihiin Doorashada, Wallow haddii ay isku afgartaan uu noqon karo mid raad culus ku yeesha Tartanka loo galayo Villa Soomaaliya.

Waxayna kusoo beegmaysaa isku soo dhawaanshaha la sheegayo inay ka dhex jirto Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Shiikh Maxamuud xilli uu maanta Raysal Wasaare Sharmaake ka digay fara-galin dalalka dariska ah qeybtood ay ku hayaan arrimaha doorashada Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST