Hay,adda GRT oo Garowe kusoo xirtay kulan ku saabsan ka hortaga tacadiga Haweenka iyo Caruurta

Hay,adda GRT oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa maanta soo xirtay tababar labo maalmood u socday laamaha Booliska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,Wuxuuna ku saabsanaa tababarkani qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta iyo sidey u heli lahaayeen xaquuqdooda.

Intii uu socday kulankan waxaa lagu falanqeeyay siday boolisku uga hortagi lahaayeen dhibaatada lagu sameeyo dadka barimageedada ah sida haweenka iyo caruurta ,sidoo kalena waxaa looga dooday noocyada tacadi ee ka jira Puntland iyo dadka ugu badan ee loo gaysto.

Axmed Bashiir Muuse (Ciiro) oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha kana mid ahaa macalimiintii bixinaysay Tababarka ayaa si faah faahsan uga warbixiyay dhibaatooyinka ka dhaca dalka iyo sida looga hortagi karo .

Macalin Ciiro ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo laamaha amniga si ay uga hortagaan Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, Wuxuuna kula dardaarmay dadka ka faa,iideystay inay siday tahay ugu dhaqmaan casharadii ay ku qaateen mudadii uu socday Tababarku.

Bashiir Yuusuf oo ka socday Hay’adda bixisay dhaqaalihii ku baxay barnamijkaan ee GRT ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Haweenka Puntland siday uga wada shaqeeyaan hoos u dhigida tacadiyadda, wuxuuna balan-qaaday inay sii balaarin doonaan kulamada noocaan oo kale ah.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka Puntland Cabdirisaaq Nuux Maxamed oo soo xiray tababarka ayaa dhankiisa uga mahad celiyay dhamaan Hay’addaha ka qayb qaatay inuu qabsoomo kulankaan , Wuxuuna sheegay inuu ahaa barnaamij loo baahnaa Islamarkaana kusoo beegmay xilli baahidiisu dalka ka jirto.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST