Daacish oo dad shacab ah ku gawracday Qandala

Saddex nin oo shacab ah ayay kooxda Daacish ku gawraceen deegaanka Karin Qandala oo 50 KM u jira degmada Qandala ee Gobolka Bari, Ka dib markii kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Daacish ku afduubteen todobaad ka hor 5 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan saddexdaan ay dileen.

Sida ay xogta ku helayso PUNTLAND POST maleeshiyaad ka tirsan DAACISH ayaa kala degay todobaadkii horre gaari safrayay 5 dhalinyaro ah, Iyadoona aan la ogeyn labadii kale marka laga tago saddexda qof oo subaxnimadii horre ee maanta lagu arkay madaxyadooda oo lasoo dhigey wadadii afduubka ay ugu geysteen shanta qof kooxda Daacish.

Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka deegaanadaas ku nool oo dhawaanahaanba ku dhuumalaysanaysay Kooxda Daacish oo mar sii horeysay gacanta ku dhigtay Degmada Qandala balse ay si xoog ah uga saareen ciidamada difaaca Puntland.

Saddexda qof oo ay gawracday kooxda Daacish ayaa ahaa dhalinyaro shacab ah oo ka shaqeysta xijiga iyo badda waxayna da,doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 25 sano jiro.

Dowlada Puntland wali war kama aysan soo saarin dhacdadan kooxda Daacish dhalinyaro shacab ah ugu geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST