Garowe oo lagu qabtay mid ka mid ah dhalinyaro kufsi ka geystay Goldogob

Ciidamada Booliska Magaalada Garoowe ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah dhalinyaradii kufsiga ka gaystay Magaalada Galdogob ee Gobalka Mudug.

Maxbuuska gacanta boolisku ku dhigeen oo magaciisa la yiraahdo Bishaar Cabdisamad Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe laga soo qabtay xaafada 1-da agoosto ee magaalada Garoowe oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Soo qabashada Bishaar waxaa gacan ka gaystay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida oo ay isku hayb yihiin.

Taliyaha Saldhiga Garowe dhame Maxamuud Muuse Bile (Farda-fuul) oo goor dhow la hadlay PUNTLAND POST  ayaa sheegay inay xabsiga dhexe u gudbiyeen wiilkaan islamarkaana cadaalada lasoo taagi doono.

Bishaar Maxamuud Bile ayaa ka mid ahaa 6-dhalinyaro ah oo kufsi wadareed ugu gaystay degmada galdogob labo gabdhood kuwaas oo shan ka mid ah shalay xukun lagu fuliyey.

Dhagayso Taliye Farda-fuul

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST