Wasiirka Caafimaadka Puntland oo gacan ka geystay dib u helida aragoodii labo carruur ah

Laba carruur oo reer Puntland ah oo ku noolaa gobolka Karkaar ayaa aragooda dib u helay kadib markii uu gacan wayn ka geystay Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr. Cabdinaasir Cuuke.

Carruurtaan oo muddo indha la’ayd waxaa dhawaan indhaha loogu qalay Garowe gaar ahaan Xarunta Indhaha ee Dr. Cabdicasis. Carruurtu waxay ka soo jeedan deegaanka miyiga  ee Degmada Rako, oo ka tirsan Goblka Karkaar.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cuuke oo kormeer shaqo ku tagay magaalada Qardho ayaa helay warbixinta carruurtaan, wuxuuna  ku taliyay in si degdeg ah lagu keeno magaalada Garowe, si loogu geeyo Dr. Cabdicasiis oo qaabilsan cudurada Indhaha.

Baaritaankii Dhakhtarku waxaa lagu sheegay in wax laga qabankaro, taasoo uu dhakhtarku ugu dambayn uu fuliyey isagoon wax kharash ah ku dallacin.

“Maanta waad arkaysaan ilmihii oo soconaya, wax arakaya ,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntand Dr, Cabdinaasir Cuuke, “ Ilmahaas haddii la isla eegay sababta ay araga u waayeen waa Cudur Jadeeco iyo nafaqo darro isugu darmay. Waalidka haddii la waraystayna waxay sheegeen inaan hore Jadeeco looga tallaalin,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka caafimaadka ayaa ku wacyi geliyay bulshada inay  ilmahooda tallaalaan, si  uu ubadkooda uga badbaado cudurada dilaag ah ama saamaynta ku reeba nolashooda.

Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa ugu dambayn mahad celin balaaran ujeediyay  Marwo Iftin Yusuf  Maxamed oo qeyb weyn ka qaadatay howshaan iyo Dr. Cabdicasiis wuxuuna ilaaheey uga baryay inuu ajar ka siiyo hawshaas mutadawacnimada ah oo ilmahaas mustaqbalkooda iftiimisay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST