Musharax Abshir Xasan Abshir oo maanta gaarey Muqdisho

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho musharaxa ugu da,da yar musharaxiinta u tartami doona Madaxweynaha Soomaaliya Ka dib socdaal uu kaga soo kicitimay Musharax Abshir Xasan Abshir dalalka Koonfur Africa iyo Kenya oo uu booqasho ku marayay.

Qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho, Siyaasiin, Aqoonyahano iyo Masuuliyiin xilal ka haya Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade International Musharax Abshir Xasan Abshir.

Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowlada Federalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu si rasmiya ugu biiro diiwaan galinta uga socota Muqdisho musharaxiinta doonaya inay u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

PUNTLAND  POST