Puntland oo daaweyn caafimaad ka wada dhulka lagu soo hayaamay

Dowlada Puntland ayaa baaris iyo daaweyn xoog leh ka wada deegaanada ay isugu soo hayaameen reer guuraa fara-badan oo ku yaala  Gobolada Bari, Gardafuu, Nugaal iyo Karkaar.
Tiimam iyo Dhakhaatiir ka socda Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland oo gaaraya 20 kooxood ayaa xarumo lagu-la tacaalayo xaalada caafimaadka ka dhex samaystay meelaha ay degeen reer guuraagu, Waxayna gaareysa tirada dadka la daaweeyay 13251 qof .
Gargaarkan lagula tacaalayo caafimaadka reer guuraaga isugu soo hayaamay deegaano ka tirsan dhulka Puntland ayaa kusoo beegmaaya  xilli uu ku marayo socdaal maalmo qaatay Madaxweynaha Puntland deegaanada dadku kusoo hayaameen.
Daawo Sawirada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST