124 Arday oo Ka Qalinjabiyay Machadka Sooyaal ee Boosaso

Munasabadan Oo Si Wayn Looga Soo shaqeeyay Ayaa Waxaa Shahadooyin Lagu Gudonsinayay Arday Baratay Cilmiga Cafimaadka, Mihnada Saxafada Iyo Luuqada English-ka Oo Ay Mudo Lix Biloda Soo Wadeen.

Munasabadan Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Masuliyiin Ka Socday Wasarada Warfaafinta Wasarada Waxbarashada Maamulka Macadka Ardayda Qalinjabinaysay Arday Hore Macadka Uga Baxday Walidiin Iyo Masuliyiinta Macaahida Bosaso.

Ardayda Baratay Mihnada Saxafada Ayaa Garaysay 50 Oo Iskugu Jiray Wilal Iyo Gabdho Kuwasi Oo Lo Dhameys Tiray Shurudaha Saxafinimo Waxayna U Adegayaan Shacabka Somaliyeed Ee Dowlad La Aanu Ragadisay.

Maamulaha Macadka Barashada Mihnada Saxafada Iyo Maadoyinka Kale Ee Sooyaal Maxamed Maxamuud Cismaan Ayaa Ka Warbixiyay Ardayda Qalin Jabinaysay Tiradoda Iyo Tariikhda Macadka.

Gudomiye Ku Xigeenka Jamacada Bosaso Cabdirixmaan Jaamac Guhaad Waxa Uu Shegay Inay Jamacada Soo Dhawaynayso Ardaydan.

Aasiyo Xaaji Axmed Oo Baratay Mihnada Saxafada Ayaa Wasarada Warfaafinta Puntland Iyo Mulkilayasha Warbaahinada Ka Codsaday In La Tageero Ardayda Baratay Mihnada Saxafada.

Muno Jamaal Iyo Dayax Cabdilahi Jaamac Ayaa Dhankoda Ka Hadlay Waxay Macadka ka Barteen, Ayagoona u Mahadceliyay Maamulka iyo Macilimiintii wax Soo baray,

Xilidbaan Maxamed Maax Colow Oo Ka Mida Xilibanada Golaha Degaanka degamada Bosaso Ayaa Shegay Inay Shaqo Abuur U Sameynayaan Ardayda.

Agaasimaha Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha Iyo Dhaqanka Puntland Maxamuud Warsame Axmed Fuube Ayaa Shegay In Wasaradu Garab tagan tahay Dhalinyarada.

Kormeeraha Wasarada Waxbarashada Gobalka Bari Ee Puntland Musse Jibriil Ayaa Ardayda Kula Dar darmay Inay Waxbarashada Sii Wataan.

Macadka Soyaal Ayaa Horay U Soo Saaray Arday Baratay Saxafada Kuwasi Oo Hada Ka Howl gala Xarumaha Warbahined Ee Somaliya Iyo Ardayda Cilmiga Cafimaadka Bartay Oo Ka Howl Gala Xarumaha Cafimaad Ee Bosaso.

SAWIRRO :