Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Garowe ku qabatay bandhig dhaqanka

Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garowe kulan dhaqameed lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka ay leedahay Soomaaliya, Waxaana xaflad loo sameeyay kazoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Masuuliyiin ka socda Hay,adda SAVE THE CHILDREN iyo Marti sharaf kale.

Kulanka dhaqmeedkan ayaa lagu soo bandhigay ahmiyadda uu leeyahay dhaqanka dalka iyo dadka, waxaana lagu daawaday ruwaayad ka turjumaysa dhaqanka oo ay matalayeen Ardey dhigata Iskuulada Alwaaxa iyo Imaamu Nawaabi.

Prof Abshir Awyuusuf Awciise oo ka hadlay bandhiga dhaqanka ee maanta lagu qabtay Garowe ayaa sheegay in Wasaaradiisu masuuliyad wayn iska saareyso sidii loo bari lahaa Ardeyda wax ka barata dugsiyada Puntland hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Faadumo Shukri oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka warantay faa,iidada ay ardeyda u leedahay in la baro Suugaanta ka hadlaysa arrimaha dhaqanka Soomaalida.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST